Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada (NAMLC) ayaa liiska qaran ee cunaqabateynta maaliyadeed ku daray Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyo sagaal qof oo kale oo ku jira liiska guddiga.
Warqad uu guddigu soo saaray 13-kii Oktoobar 2026, tirsigeeduna yahay GQKL/LMA/004/2026, ayaa lagu shaaciyey liiska cusub ee cunaqabateynta maaliyadeed, kaas oo ka kooban 10 qof.
Dadka ku jira liiska waxaa ka mid ah Xasan Cabdulqaadir Maxamed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan “Shub”, Ibraahim Aadan Cali oo loo yaqaan “Najah”, Xasan Cabdi Maxamed oo loo yaqaan “Ugaas Xasan”, Cabdullaahi Cali Watiin, Cabdifaatax Mahad Cabdiraxmaan, Cabdimajiid Mowliid Xasan, Amiin Mad Daruur iyo Abshir Aadan Isaaq.
Sida ku cad qoraalka guddiga, cunaqabateyntan ayaa la xiriirta fulinta waajibaadka sharciga ee ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, iyadoo la raacayo qodobbada 6-aad iyo 7-aad ee sharciga khuseeya.
Guddigu wuxuu sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay waajib ku tahay inay la macaamilaan liiska la shaaciyey, isla markaana ay xayiraan hantida ay leeyihiin dadka ku jira liiska. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyey in dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee khuseeya dadkaas loo soo gudbiyo Xarunta Warbixinta Maaliyadda (FRC).
Qoraalka ayaa intaas ku daraya in muwaadiniinta iyo hay’adaha ay waajib ku tahay inay warbixin ka bixiyaan dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo, iyadoo la raacayo xeerarka la-dagaallanka argagixisada iyo maalgelinteeda.


