Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Nabadgelyada Waddooyinka, ayaa shacabka uga digay khataraha ka dhalan kara safarrada waddooyinka waaweyn xilliga roobabka Dayrta.
Booliska ayaa darawallada iyo dhammaan dadka isticmaala waddooyinka ugu baaqay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, gaar ahaan marka ay marayaan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka ay saameyn karaan roobabka iyo qulqulka biyaha.
Ciidanka ayaa ka digay in isku dayga lagu gudbayo togagga ay biyuhu marayaan uu halis gelin karo nolosha darawallada iyo rakaabka, sidoo kalena uu sababi karo burbur hantiyeed.
Sida lagu sheegay digniinta Booliska, darawallada waxaa lagula taliyey inaysan isku dayin inay gudbaan togagga ay biyuhu maraan, inay yareeyaan xawaaraha gaadiidka, isla markaana ay ilaaliyaan masaafada badbaadada ee u dhexeysa gaadiidka.
Sidoo kale, shacabka ayaa loogu baaqay inay raacaan talooyinka iyo awaamiirta laamaha amniga waddooyinka si looga hortago shilalka iyo khasaaraha ka dhalan kara roobabka.
Booliska Puntland ayaa xusay in badbaadada dadka isticmaala waddooyinku ay mudnaan gaar ah leedahay, iyagoo shacabka ku boorriyey inay taxaddar muujiyaan, naftooda iyo tan dadka kalena ilaaliyaan.


