Xuutiyiinta oo uga digay Mareykanka inay jawaab “xanuun badan” ka bixin doonnaan haddii uu soo farageliyo

Xuutiyiinta ayaa Maraykanka uga digay in uu wajihi doono “jawaab xanuun badan” haddii uu ku lug yeesho dagaalka Yemen.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, Sacuudiga ayaa Washington ka codsaday in ay ka caawiso ka hortagga Xuutiyiinta.

Mohammed al-Bakhiti, oo ka tirsan xafiiska siyaasadda Xuutiyiinta, ayaa wakaaladda u sheegay: “Haddii Maraykanku ku biiro duullaanka ka dhanka ah Yemen, kama labalabeyn doonno in aan go’aan ka gaarno jawaabta aan ka bixinayno. Jawaab degdeg ah oo xanuun badan ayaan ka bixin doonnaa, taas oo lagu beegsan doono Maraykanka iyo dhammaan danihiisa gobolka.”

Waxa uu sidoo kale uga digay shaqaalaha xarumaha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga in ay ka fogaadaan goobahaas, isaga oo sheegay in ay noqdeen bartilmaameedyo sharci ah.

Habeenkii Isniinta, qarax kale ayaa laga soo sheegay magaalada Riyadh, balse Sacuudiga ayaa sheegay in uu ka hortagay gantaal ay Xuutiyiintu soo rideen.

Kadib weerarkii ay Xuutiyiintu Sabtidii ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh, kaas oo ay ku dhinteen 13 qof, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka fiirsanayo in Maraykanku ku biiro weerarrada Sacuudiga ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Tallaabadan ayaa imanaysa inkasta oo wararku sheegayaan in Trump uu hore u diiday codsiyo gargaar oo uga yimid dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman.

WARARKII KALE

Ciidamada Jubbaland oo la wareegay xarumihii dowladda ee Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay xarumihii...

DFS oo Liiska Qaran ee Cunaqabateynta Maaliyadeed ku dartay Laftagareen iyo Xubno la Xiriira

Guddiga Qaran ee Ka-hortagga Lacag-dhaqidda iyo La-dagaallanka Maalgelinta Argagixisada...

DDS oo markii ugu horreysay faahfaahin ka bixisay ciidamada Soomaaliya ee galay Itoobiya

Dowladda Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay...

Maxkamadda Sare oo qabatay dacwad ka dhan ah dastuurka cusub iyo muddo kororsiga hay’adaha dowladda

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Maxkamadda Sare ee...

Ciidamada Laftagareen oo culeys saaray deegaanada KGS

Ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis...

Booliska Puntland oo digniin ka soo saaray safarrada xilliga roobabka

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Laanta Nabadgelyada Waddooyinka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles