Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha Qaran ee Ka-hortagga iyo La-dagaallanka Fikirka Xagjirka ah, kaasi oo ay soo diyaarisay xarunta Qaran ee Tubsan ee Xafiiska Raโiisul Wasaaraha.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay ciribtirka kooxaha Khawaarijta awood ahaan iyo fikir ahaanba taasi oo sababtay in maanta dadka Soomaaliyeed ay ku baraarugaan in fikirka kooxdaas uu halis ku yahay jiritaankooda ummadnimo iyo dowladnimo.
Mudane Xamsa, ayaa xusay in maanta oo kale 14-kii Oktoobar 2017, ay kooxaha arxanka daran dalkeenna ka fuliyeen muusibadii weynayd ee ay ku dhibaateeyeen kumanyaal shacab ah, halka boqollaalna ay ku dhinteen taasi oo indhaha bulshada tustay in aysan dhaqanka kooxdu diin islaam shaqo ku lahayn, taas beddelkeeda ay u adegayaa cadowga ummadda Soomaaliyeed.
โDadkii Illaahay ka badbaadiyay baan ka mid ahaa, meeshaas markaas baan maray, guri aan degennaa oo 200 tallaabo u jira meesha wax ka dhaceen ayaan tagay, markii uu qaraxa dhacay dhulka ayaan ku dhacay, baabuur ordayana illaahay baa I dhaafiyay, gurigii waa uu dumay, dhammaanteen dadkii ka badbaaday baan nahayโ. Ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha.
Raโiisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in markii ay Xukuumaddan la-wareegtay talada dalka ay xoogga saartay in Culimada Soomaaliyeed bulshada u caddeeyaan aragtida gurracan ee Khawaarijta, kadib kulankii isugu yimaadeen ay soo saareem fatwo ay ku xaqiijinayaan in kooxaha argagixisada ah ay ku sifoobeen dhaqankii iyo ficilkii Khawaarijta, isla markaana ay waajib tahay in loola diriro fikir, ahaan awood iyo hab walba oo loo ciribtiri karo.
Ugu dambayn, Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isu qabsadaan sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha cadowga ah ee fikirkoodu khaldamay ee meelaha kooban kaga sugan dalkeenna, iyada oo dowladduna ay dagaal xooggan kula jirto sidii looga tir-tiri laha guud ahaanba gayiga Soomaaliyeed.


