Zelensky oo sheegay in wax digniin ah oo ku saabsan weerarrada aysan ka helin xulafadooda

Ukraine ayaa sheegtay in weerar kale oo weyn oo lagu qaaday kaabayaasheeda tamarta uu sababay in lix boqol oo kun oo qof ay koronto la’aan noqdaan.

Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay duqeymihii dhacay xalay kuwaas oo lagu beegsaday agagaarka magaalooyinka Kyiv iyo Kharkiv oo ku taal waqooyi-bari dalka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in habeenkii labaad oo xiriir ah aysan ciidamadiisu wax digniin ah oo ku saabsan weerarrada ka helin xulafadooda.

Kyiv ayaa sidoo kale shirkadda SpaceX ee Elon Musk ku eedeysay in ay xaddidayso shabakaddeeda isgaarsiinta ee Starlink, taas oo carqaladaynaysa hawlgallada milatariga Ukraine ee ka socda furimaha dagaalka.

Mareykanka ayaa beeniyay in uu joojiyay xogta sirdoon uu Ukraine la wadaago. Shirkadda SpaceX kama hadal arrintan.

Dhanka kale, xoghayaha guud ee NATO ayaa sheegay in xubnaha isbahaysiga looga baahan yahay in ay wax badan ka qabtaan xoojinta difaaca cirka ee Ukraine. Isagoo ka hadlayay dalka Estonia, Mark Rutte, waxa uu sheegay in gardarrada Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine aysan waxba iska badaleynin, wuxuuna xusay in xilliga qaboobaha uu soo dhow yahay.

Rutte ayaa sidoo kale sheegay in weerarrada nooca isku-dhafka ah ee lagu qaado dalalka Yurub, kuwaas oo lagu eedeeyo Ruushka, ay muujinayaan tabar-darrada Moscow halkii ay ka muujin lahaayeen awooddeeda. Wuxuu intaas ku daray in weerarradaasi aysan ka hor istaagi doonin dalalka Yurub in ay sii taageeraan Kyiv.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Danbiyada Kufsiga iyo Anshax Xumada

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta...

14-ka Oktoobar: Xusuusta qaraxii Soobe iyo maalintii Muqdisho ay murugadu qarisay

14-ka Oktoobar waa maalin murugo leh oo taariikhda Soomaaliya...

Jadwal doorasho oo la ogyahay cida noqonaysa hoggaanka Galmudug oo la shaaciyay

Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyay in 22-ka October la qabanayo...

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay qaraar lagu Taabbo-gelinayo Dastuurka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles