Saturday, June 13, 2026

Agaasimihii waaxda Arrimaha diinta ee Hirshabelle oo lagu dilay Jowhar

Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Jowhar, gaar ahaan xaafadda Hantiwadaag lagu dilay , Dr. Maxamed Cabdi Cali (Dr. Gaalib) oo ahaa Agaasimaha Waaxda Arrimaha Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Marxuumka ayaa lagu weeraray farmashi uu ku lahaa gudaha magaalada, waxaana rasaas ku furay dabley bastoolado ku hubeysan oo durbadiiba goobta ka baxsaday. Dr. Gaalib wuxuu ka mid ahaa dhallinyarada aqoonta leh ee u adeegayay bulshada, isagoo horey uga soo shaqeeyay xarumo badan oo caafimaad iyo adeeg bulsho.

Shacabka magaalada Jowhar ayaa si weyn uga naxay dilka Dr. Gaalib, waxayna cambaareeyeen falkaas arxan darrada ah oo lagu beegsaday shaqsi bulshadeeda u adeegayay.

Ciidamada booliska ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa si degdeg ah u tegay goobta uu falka ka dhacay, iyagoo bilaabay baaritaanno lagu raadinayo raggii ka dambeeyay dilka marxuumka.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Hirshabelle, Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim (Cali Ciiley), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Dr. Gaalib, isagoo sheegay in uu ahaa shaqsi waddani ah oo ku suntanaa dadaal iyo daacadnimo.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxay ka codsaneysaa hay’adaha amniga in si buuxda loo baadho falkan, lagana soo qabto kuwii ka dambeeyay si cadaaladda loo horkeeno.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur galbeed oo soo saartay go’aano amni oo lagu sugayo Baydhabo

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Madaxweynaha Somaliland oo beri tagaya Israa’iil

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed...

Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab Ku Qaadday Saldhig Ku Yaalla Mandheera

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa ka hortagay weerar habeenimo oo...

FBI-da Oo Gacanta Ku Dhigtay Soomaali Lagu Eedeeyay Musuqmaasuq Ka Badan $4 Milyan

Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka ee FBI-da ayaa shaacisay inay...

22 dal oo digniin wadajir ah u diray Iiraan`

Labaatan iyo laba dal, oo ay ku jiraan Mareykanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles