Thursday, October 23, 2025

Al-shabaab oo weerar ka geystay Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Ugu yaraan toddobo askari boolis ah ayaa si xun ugu dhaawacmay qarax lala eegtay gaari ay la socdeen, kaasoo ka dhacay wadada u dhaxeysa Aresa iyo Khalalia ee degmada Mandera East, xilli ay marayeen deegaanka Gadudia-Laga, saqdii dhexe ee 1-dii habeenimo ee July 8.

Gaariga ayaa ka ambabaxay deegaanka Bambo, isagoo kusii jeeday magaalada Mandera, waxaana uu ku qarxay miino nooca dhulka lagu aaso (IED).

Qaraxa ayaa sababay dhaawac culus oo gaaray askarta, iyadoo gaarigii ay la socdeen uu si daran u burburay.

Askarta dhaawacantay ayaa loo qaaday isbitaal deegaanka ah si gurmad caafimaad loo siiyo.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgal ballaaran oo ay fuliyeen ciidamada sida wadajirka ah loogu diray halka qaraxu ka dhacay, si loo baacsado maleeshiyaadka falkan ka dambeeyay.

Afhayeenka Booliiska Qaranka ee Kenya, Michael Muchiri, ayaa sheegay in dadaallada lagula tacaalayo khatarta Al-Shabaab ay socdaan, inkasta oo weerarrada mararka qaar sii socdaan.

Dhanka kale, maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa ay weerar ka geysteen deegaanka Qarsa ee magaalada Wajeer , halkaas oo Taliyaha deegaanka (Senior Chief) Adow Ali iyo adeerkiis Noor Gathuf lagu dilay, sida uu qoray wareyska The Star.

Maleeshiyaadka ayaa waxaa ay weerareen ku qaadeen guriga Taliyaha,  Goobjoogayaal ayaa sheegay in dableydu ay ugu yeereen in uu bannaanka usoo baxo, markii uu diidayna ay bam ku tuureen guriga, dabadeedna ay kasoo jiideen dibadda oo ay saddex xabo ku dhufteen. Kadibna waxay u gudbeen guriga adeerkiis oo ay halkaasna ku dileen.

Xaaladda Mandera iyo Wajir ayaa sare u kacday, iyadoo dadka deegaanka ay muujinayaan walaac ballaaran oo ku saabsan amniga guud ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles