Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Qaraxaan ismiidaaminta ah oo daqiiqado  ka dhacay xerada ciidamada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho ayaa lasoo warinaya inuu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu fuliyay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasoo isku dhax qarxiyay ciidamo isku dhaf ah oo lagu xareenayay xerada ciidamada Kuliyada Jaalle Siyaad oo ku taala degmada Hodan magaalada Muqdisho, iyagoona halkaasi tababar ugu socday, sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan.

Warar kale ayaa sheegaya in qofka is qarxiyay uusan gaarin goobta ay ku sugnaayeen ciidamada.

Qaraxa kadib ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa xiray goobta uu qaraxa ka dhacay iyo nawaaxigeeda, islamarkaana  halkaasi ka wado baaritaano.

Majiro wali wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxaan Ismiidaaminta ah.

Dhanka kale Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxa ka dhacay gudaha xerada Kuliyada Jaalle ee Muqdisho, , waxaa ayna sheegeen in ay weerarka la beegsadeen saraakiil ciidan oo cadaan ah, kuwaasi oo ay sheegeen in ay tababar siinayeen ciidamada dowladda Soomaaliya

2023 ayaa sidan oo kale  waxaa kuliyada ugu dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday xerada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles