Monday, July 20, 2026

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida kala wareegay Saanad ciidan oo loogu tala galay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ee Howlgalka ka dhanka ah Al-Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan.

Munaasabadda wareejinta deeqdan oo ka dhacday degmada Feerfeer ee xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa wareejiyay Hoggaan-ku-xigeenka Xafiiska Nabadgelyada DDS, Mudane Idiris Jibriil, Taliyaha Guud ee Booliska DDS Sarreeye Guud Cabdi Cali Siyaad, Taliyaha Sirdoonka Ciidanka Milateriga Bariga Itoobiya Kornayl Xasan, oo uu weheliyo kornayl C/risaaq Mukhtaar oo kamid ah saraakiisha sare ee hay’addaas, iyo masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye, oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saraakiisha dowlad Hirshabeelle, Odayaal dhaqameed iyo masuuliyiin kale, ayaa uga mahadceliyay DDS taageeradaas, kuna tilmaamay tallaabo dhiirrigelin leh iyo tusaale mudan in lagu daydo, madaama dagaal culus oo halgan ah ay kula jiraan argagixisada Alshabaab.

Taageeradan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu wajahayo maleeshiyaadka Alshabaab iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee labada dhinac

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad wehliye ayaa xusay in Maanta halganka aay ku jiraan reer hiiraan cidkasto garab u noqoto aay xasuus naan doonaan.

Madaxda ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ballan qaaday in aay sii wadi doonaan garab istaaga dadka ree Hiiraan howlgalka kula jira Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles