Friday, March 21, 2025

Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Al-Kowthar ee G/Sh/Dhexe.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday deegaanka Al-Kowthar ee gobolka Shabeelada Dhexe oo halkaasi ay saldhighyo ay ku leeyiiin ciidamada dowladdda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

Ciidamada huwanta ayaa ka hortagay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Al-Kowthar, iyadoona la soo warinayaa in khasaare xooggan halkaasi lagu gaarsiiyay.

 Dhinacyada ayaa hubka culus isku weydaarsaday duleedka deegaanka, waxaana weli soconayo dagaalka.

 Wararkii ugu dambeeyay ee Al-kowthar ayaa sheegaya dagaalka oo dhowr jeer la isku laabtay uu Qasaare badan dhaliyay.

 Dhinaca ciidamada dowladda iyo kuwa maleeshiyada degaanka ayaa sheegay inay Gaadiid dagaal ka gubeen Alshabaabka weerarka ahaa, iyadoo dib u celiyay, balse weli xaaladda ayaa kacan, waxaana weli socda dagaalka.

 Ciidamada dowladda iyo Macaawileyda degaanka ayaa wajahaya weeraradii ugu badnaa ee Sabaab kuusoo qaado degaanada Hirshabelle.

 Saaka oo kaliya waxay AS weerarreen degaanda Beero-yabaal, Aboorey iyo Ceel Cali Axmed oo ay gudaha u galeen, kadibna waxay Weerar kale oo gaadmo ah ku qaadeen Alkowthar, waxaana muuqata inay xoogga saarayaan Hirshabeelle oo muddooyinkan dambe uu ka socday abaabul qorshe dagaal oo wejiga labaad ah.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles