Maamulka SSC Khaatumo ayaa soo saaray amarro lagu xoojinayo amniga magaalada Laascaanood oo la filayo inuu beri ka dego wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Khaatumo ayaa dadka magaalada ku amartay inaaan wax Hub ah lala mari karin magaalada dhexdeeda, sida Tiknikada, hubka fudud, Toorayaha IWM, marka laga reebo Ciidamada Ammaanka sugaya.
Sidoo kale waxaa amar lagu bixiyay in laga bilaabo 3:00 Galabnimo ee maanta laga mamnuucay laamiga wayn ee wadnaha (Faras-magaalaha) inay maraan bajaajyadu sababo la xiriira jaamka oo batay.