Wednesday, March 4, 2026

Aqalka cad oo ka hadlay xanuunka haya madaxweyne Trump

Madaxweyne Donald Trump ayaa la il-daran xanuun ka xididdada kaga dhacay, kaasoo aad u daran, sida uu Aqalka Cad Khamiistii ku dhawaaqay, ka dib maalmo warar la isla dhex marayay kuwaasoo la xiriira sawirro muujinaya nabar ka muuqda gacanta madaxweynaha Maraykanka.

Ka dib markii uu dhawaan la kulmay barar lugaha ah, Trump ayaa maray “baaritaan dhamaystiran” oo ay ku jiraan baaritaanka xididdada dhiigga, sida ay sheegtay xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karoline Leavitt.

Leavitt waxay sheegtay in gacanta nabarku kaga yaallo Trump uu ka dhashay “salaanta gacanqaadka ee joogtada ah” isagoo dhanka kalena qaata aspirin, kaas oo ay sheegtay in uu yahay “qayb ka mid ah dawooyinka ka hortagga xanuunnada wadnaha”.

Trump, oo 79 jir ah, waxa uu si joogto ah u sheegay in caafimaadkiisu wanaagsan yahay, waxaana uu mar isku tilmaamay in uu yahay “madaxweynihii ugu caafimaadka badnaa ee abid noolaa”.

Xanuunka xididdada dhiigga ee uu madaxweynuhu dhawaan ogaaday waa mid yimaada marka xididdadu ay ku guul-darraystaan inay dhiigga ku shubaan wadnaha, taasina ay keento in dhiiggu ku uruuro qaybaha hoose, ka dibna ay xubintu bararto.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles