Wednesday, January 14, 2026

Askari ka tirsanaa ciidamada Puntland iyo bajaajle ku geeriyooday Garoowe

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in israsaaseen iyo shil khasaare geystay uu ka dhacay Bartamaha Magaaladaasi.

Cabdiraxmaan Yusuf Axmed oo ka mid ahaa Ciidanka Booliska Puntland iyo wiil bajaajle ah ayaa xalay ku dhintay shil ka dhacay bartamaha magaalada Garowe.

Gaari nooca raaxada ah oo uu watay nin lala xiriirinayo maandooriye ayaa si fool xun u jiiray bajaaj ay saarnaayeen labada marxuum, waxaana shilkaasi ka dhacay aaga hotel Guureeye.

Ciidanka Booliska ayaa ku guuleystay in ay qabtaan ninka maandooriyaha lala xiriirinayo ee sababay shilka, waxaana la sheegay in uu qabo dhaawac oo hadda uu yaallo mid ka mid ah isbitaalada Garowe.

Booliska Puntland ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay baaritaan ku wadaan sida ay u dhinteen labada marxuum.

“Alle ha u naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ee dhawaan ku soo biiray Ciidanka Booliska Puntland. Waxa uu ku geeriyooday caawa Garowe, waxaana sidoo kale ku geeriyooday qof shacab ah. Arrintaas waxaa baaritaan ku wada Laanta Baarista Dembiyada (CID)” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska Puntland.

Ninka falka geystay ayaa waxaa la sheegay in uu ka tirsan yahay qoyska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Lafta gareen iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada...

DFS oo ka hadashay ciidanka Danab ee ka tagay Puntland ee gaaray Laascaanood

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay ciidanka...

Madaxweyne Firdhiye oo amar siiyay ciidanka Danab ee ka yimid Garoowe

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye)...

Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay Madaxda DFS

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka (Axmed Madoobe), ayaa ka...

Wasiirka Arrimaha Turkiga oo maanta tagaya Imaaraadka Carabta iyo xiisada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta lagu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles