Wednesday, March 11, 2026

Askari ka tirsanaa ciidamada Puntland iyo bajaajle ku geeriyooday Garoowe

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in israsaaseen iyo shil khasaare geystay uu ka dhacay Bartamaha Magaaladaasi.

Cabdiraxmaan Yusuf Axmed oo ka mid ahaa Ciidanka Booliska Puntland iyo wiil bajaajle ah ayaa xalay ku dhintay shil ka dhacay bartamaha magaalada Garowe.

Gaari nooca raaxada ah oo uu watay nin lala xiriirinayo maandooriye ayaa si fool xun u jiiray bajaaj ay saarnaayeen labada marxuum, waxaana shilkaasi ka dhacay aaga hotel Guureeye.

Ciidanka Booliska ayaa ku guuleystay in ay qabtaan ninka maandooriyaha lala xiriirinayo ee sababay shilka, waxaana la sheegay in uu qabo dhaawac oo hadda uu yaallo mid ka mid ah isbitaalada Garowe.

Booliska Puntland ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay baaritaan ku wadaan sida ay u dhinteen labada marxuum.

“Alle ha u naxariistee marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ee dhawaan ku soo biiray Ciidanka Booliska Puntland. Waxa uu ku geeriyooday caawa Garowe, waxaana sidoo kale ku geeriyooday qof shacab ah. Arrintaas waxaa baaritaan ku wada Laanta Baarista Dembiyada (CID)” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska Puntland.

Ninka falka geystay ayaa waxaa la sheegay in uu ka tirsan yahay qoyska madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo sheegtay in Dhammeystirka Dastuurka la kala tashtay siyaasiyinta mucaaradka ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali ayaa sheegay in...

Ciidan cusub oo ku biiray abaabulka ka dhanka ah Lafta gareen

Abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni ayaa ka...

Dekedda Muqdisho oo ku biirtay ururka caalamiga ah ee dekedaha (IAPH)

Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in dekeddu si...

Mareykanka iyo Iran yaa soo afjari doono dagaalka ka socda Bariga Dhexe

Dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan ayaa galay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles