Waa kuma Hoggaamiyaha Cusub ee Iran ee la doortay?

Golaha Khubarada ee dalka Iran ayaa ku dhawaaqay in Mojtaba Khamenei loo doortay Hoggaamiyaha Sare ee cusub ee dalkaas, kaddib geeridii aabihii Ayatollah Ali Khamenei oo lagu dilay weerar dhanka cirka ah 28-kii Febraayo 2026, weerarkaasi oo ay fuliyeen United States iyo Israel.

Mojtaba Khamenei oo 56 jir ah ayaa hadda hoggaamin doona Iran, isagoo gacanta ku hayn doona awoodda ugu sarreysa ee dalka, oo ay ku jiraan talada ciidamada iyo go’aamada waaweyn ee diinta.

Mojtaba ayaa dhashay 8-dii Sebtember 1969 magaalada Mashhad ee waqooyi-bari Iran, wuxuuna yahay wiilka labaad ee lixda carruur ee uu dhalay Ali Khamenei. Waxbarashadiisii dugsiga sare waxa uu ku qaatay Dugsiga Diinta ee Alavi ee ku yaalla Tehran.

Intii uu jiray 17 sano ayuu muddooyin kooban ka qeyb qaatay militariga xilligii Iran–Iraq War, dagaal socday siddeed sano oo saameyn weyn ku yeeshay siyaasadda Iran.

Sannadkii 1999 ayuu u guuray magaalada Qom si uu u sii wato waxbarashadiisa diimeed, inkastoo uusan muddo dheer xiran dharka culimada.

Si ka duwan aabihii, Mojtaba Khamenei wuxuu inta badan ku sugnaa meel hoose oo aan si weyn u muuqan, mana uusan qaban xil dowladeed ama jeedin khudbado dadweyne, iyadoo warbaahinta ay xuseen in sawirro iyo muuqaallo yar oo isaga ku saabsan la arkay.

Doorashadiisa ayaa imanaysa xilli Iran ay wajahayo xaalad adag oo siyaasadeed iyo mid amni, taas oo lagu tilmaamay mid ka mid ah caqabadihii ugu waaweynaa ee haysta Iran.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles