Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka digay muddo kororsi uu sameysto Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay si cad uga soo horjeedaan isku day kasta oo lagu kordhinayo muddada xilka hay’adaha dowladda, gaar ahaan Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo ka hor imaanaysa Dastuurka Ku-Meel-Gaarka ah ee 2012.

Goluhu wuxuu xusay in sida uu qabo dastuurka, muddada xilka Baarlamaanka Federaalka ay ku eg tahay 14 Abriil 2026, halka muddada xilhaynta Madaxweynaha ay ku eg tahay 15 May 2026. Waxay carrabka ku adkeeyeen in ixtiraamka dastuurka iyo qabashada doorashooyin waqtigooda ku dhaca ay yihiin tiirka xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa uga digay madaxda dowladda federaalka inay ka waantoobaan tallaabo kasta oo horseedi karta muddo-kororsi ama khilaaf siyaasadeed oo halis gelin kara amniga iyo xasilloonida dalka.

Goluhu wuxuu ugu baaqay dowlad-goboleedyada inay si waafaqsan dastuurka u qabtaan doorashooyinkooda, islamarkaana la dhowro nidaamka federaalka si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo cusub.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay mareyso xilli xasaasi ah oo u baahan masuuliyad siyaasadeed, dulqaad iyo hoggaan leh aragti qaran, si loo ilaaliyo midnimada, xasilloonida iyo mustaqbalka dowladnimada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles