Taliyaha AUSSOM oo tagay deegaano laga saaray Al-Shabaab

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dib u soo celinta xasiloonida dalka.

Taliyaha Ciidamada AUSSOM, Sam Kavuma, ayaa booqday ciidamada xuduudaha si uu u qiimeeyo diyaar-garowgooda kaddib markii dhowaan la xoreeyay magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Mubarak iyo Durasalaam.

“Dadaal, halgan iyo naf-hurin ayaan ku mideysanahay sidii aan uga takhalusi lahayn Al-Shabaab iyo sidii aan mustaqbal u abuuri lahayn walaalaheena Soomaaliyeed,” ayuu Kavuma ku yiri bayaan jimcihii fiidkii.

Kavuma ayaa ugu baaqay ciidamada Uganda ee hoos yimaada AUSSOM iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed inay muujiyaan xirfad sare, niyad wanaagsan, iyo anshax intii ay gudanayaan waajibaadkooda.

Wuxuu intaas ku daray in AUSSOM, oo kaashanaysa Dowladda Soomaaliya iyo la-hawlgalayaal kale, ay taageero muhiim ah siin doonto bulshooyinka ku nool deegaanada dhawaan la xoreeyay.

Hawlgalka Isniintii, oo lala sameeyay la-hawlgalayaal caalami ah, ayaa si guul leh u qabsaday labo magaalo oo muddo dheer ahaa saldhigyo Al-Shabaab ah.

Owiny Akena, taliyaha Kooxda Dagaalka 44 iyo hoggaamiyaha hawlgalkan, ayaa xaqiijiyay in Mubarak iyo Durasalaam hadda si buuxda gacanta ugu jiraan ciidamada isbahaysiga.

Wuxuu intaa ku daray in feejignaanta joogtada ah iyo iskaashiga ciidamada wadajirka ahi ay muhiim u yihiin hubinta amniga iyo xasiloonida waarta ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles