Thursday, September 11, 2025

Banaanbax rabshado wata oo ka socda Faransiiska

Dibadbaxyo rabshada wata oo lagaga soo horjeedo siyaasadaha dhaqaale ee madaxweyne Emanuel Macron, ayaa hareeyey guud ahaan dalka Faransiiska.

Dibedbaxyadan oo ay hormuud ka yihiin ururrada shaqaalaha oo ka gedoodsan wax-ka-beddel lagu sameeyey xeerarka shaqada iyo daryeelka bulshada, ayaa ku soo beegmay xilli Ra’isul Wasaare cusub uu xilka la wareegey, kaddib markii horraantii todobaadkan kalsoonida lagala noqday xukuumaddii talada haysay.

Dibad-baxayaashu waxay xidheen waddooyinka, waxayna dab qabadsiiyeen goobo dhowr ah, iyaga oo carqaladeeyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo iskuullada dalka oo dhan.

Ku dhawaad ​​250 qof ayaa la xidhay subaxnimadii hore ee shalay, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xilka laga tuuray Bruno Retailleau.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 11/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Israa’iil oo ku hanjabtay inay dili doonto hoggaamiyayaasha Xamaas ee ku haray Qadar

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa mar kale ku...

Golaha ammaanka oo shir degdeg ah ka yeelnaya diyaaradihii Ruushka ee Poland soo ridday

Codsi ka yimid Poland awgiis, Golaha Ammaanka ee Qaramada...

DFS oo lagu wareejiyay gaadiid dagaal iyo agab kale

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehliyo...

Golaha wasiirada Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka ay Israa’iil ku qaaday Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u...

Khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania

Khilaaf dibloomaasiyadeed ayaa soo shaac baxay kadib markii Safaaradda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles