Sunday, April 12, 2026

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland iyo xubno kale oo ka socday ururada bulshada ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey xiritaanka bandhig loogu magac daray Todobaadka nabadda.

Bandhiggaan waxaa mudadii uu socday looga hadlay doorka dhallinyaradu ay ka qaadan karaan,sugidda nabadgelyada,isdhegalka bulshada iyo guud ahaan horumarka gobolka.

Sidoo kale, Waxaa kaloo looga hadlay ka hortagga tahriibka iyo sida loo heli karo fursado shaqo oo lagama maarmaanka u ah dhallinyarada.

Munaasabadda bandhigga todobaadka nabadda waxaa soo xiray Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cismaan Xaaji ,iyadoo xubnihii kale ee ka hadlay halkasi uu kamid ahaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xirsi Yuusuf Barre.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo magacowday Guddiga Farsamada Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ayaa...

Cumar C/Rashiid oo digay halista ka dhalan karta shidaal qodista

RW hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa...

Geelle oo mar 6-aad loo doortay Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha...

Uganda oo weerar afka ah ku qaaday Turkiga, kuna faanay doorkii Uganda ee dagaalladii Muqdisho

Taliyaha Ciidamada dalka Uganda, ahna wiilka Madaxweynaha Yoweri Museveni,...

Ciidamada Amniga oo qaraxyo ku qabtay Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles