Ciidamada Amniga oo qaraxyo ku qabtay Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan hub, hoobiyeyaal iyo walxaha qarxa oo ay maleegayeen kooxaha Khawaarijta si ay amni darro uga abuuraan caasimadda.

Howlgalkan oo dhacay xalay abaaro 23:40 fiidnimo ayaa yimid kadib markii shacabka ku nool Muqdisho ay la wadaageen hay’adaha ammaanka xog muhiim ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Ciidanka Booliiska Soomaaliya, ciidamada ayaa gudaha iyo daafaha degmada Deyniile ka fuliyay howlgal qorsheysan, kaas oo lagu soo qabtay mooto lagu soo raray ilaa shan hoobiye oo si xeeladeysan loogu dhex qariyey jawaano qudaar ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Khawaarijtu ay qorsheynayeen in hubkan lagu geliyo gudaha magaalada si ay u qalqal geliyaan amniga isla markaana ay u dhibaateeyaan shacabka rayidka ah.

Dhagarqabihii waday mootada ayaa isku dayay inuu qarxiyo mootada iyo wixii saarnaa markii uu dareemay in la qabanayo, balse ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah uga hortagay falkaas, iyagoo badbaadiyey nafo badan.

Saraakiisha amniga ee Muqdisho ayaa si weyn ugu mahadceliyey shacabka doorka ay ka qaateen sugidda amniga, iyagoo xusay in wada shaqeynta bulshada iyo ciidamada ay tahay furaha guusha laga gaarayo ka hortagga dhagarta Khawaarijta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles