Wednesday, July 22, 2026

Uganda oo weerar afka ah ku qaaday Turkiga, kuna faanay doorkii Uganda ee dagaalladii Muqdisho

Taliyaha Ciidamada dalka Uganda, ahna wiilka Madaxweynaha Yoweri Museveni, Muhoozi Kainerugaba, ayaa hadal culus ka sheegay doorkii dalalka shisheeye ku lahaayeen dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2011.

Muhoozi ayaa si toos ah u sheegay in ciidamada Uganda ay laf-dhabar u ahaayeen dagaalladii lagu xasillinayay Muqdisho, isagoo ku faanay inuu “kaligiis” dagaal ka galay magaalada muddo afar sano ah.

“Waxaan Muqdisho ku dagaallamay kaligay laga bilaabo 2007 ilaa 2011, dalalka kaliya ee na garab istaagay waxay ahaayeen Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska,” ayuu yiri.

Dhanka kale, Muhoozi ayaa si adag u dhaliilay doorka Turkiga ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Ankara aysan ka muuqan dagaalladii hore, balse ay si lama filaan ah uga soo muuqatay dalka kaddib sanadkii 2011.

Isagoo hadalkiisa sii xoojinaya, wuxuu si kaftan u eg u yiri in Turkigu “u ekaa mid hore ugu dhuumaaleysanayay godadka musqulaha,” hadal si weyn u kicin kara dareenka siyaasadeed iyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Hadalka taliyaha ayaa durba dhalin kara falcelin xooggan, maadaama Turkiga uu door muuqda ka qaatay dib u dhiska iyo taageerada dowladda Soomaaliya sanadihii dambe, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Ilaa iyo hadda, wax jawaab rasmi ah kama soo bixin dowladda Turkiga oo ku aaddan hadalkan ka soo yeeray Muhoozi, balse arrintan ayaa la filayaa inay dhaliso dood ballaaran oo ku saabsan cidda dhab ahaan door weyn ka qaadatay xasillinta Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dad ka ganacsada carruurta yaryar oo xukunno lagu riday

Sagaal iyo toban qof ayaa dalka Indonesia lagu helay...

Ruushka oo gantaallo ku riday meel u dhow dalka Ingiriiska iyo UK oo dhaqdhaqaaqyo bilowday

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa sameeyay tijaabooyin lagu...

Mareykanka oo Iiraan kala kulmaya weerarro khasaare badan gaustay

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in ku...

Dowladda Kuweyt oo qiratay in xaruumo ay Iiraan ka wareertay

Dowladda Kuweyt ayaa xaqiijisay in warshaddeeda biyaha iyo xarunteeda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles