Tuesday, March 3, 2026

Booliiska Soomaaliya oo 5 eedeysani u xiray muuqaal ay duubeen oo lagu faafiyay Baraha Bulshada

Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay shan (5) eedeysane oo ku lug lahaa muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, kaasi oo si been abuur ah u muujinayay Askari dharcad ah oo dhacaya qof jalaatoole ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska Soomaaliya.

Baaritaanno degdeg ah oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska ayaa lagu xaqiijiyay in muuqaalku ahaa jiliin si ula kac ah loo sameeyay, ujeedadiisuna ahayd sumcad-dil iyo marin habaabin ka dhan ah hay’adaha amniga, Shanta (5) eedeysane ayaa hadda ku jira gacanta Booliska, waxaana si degdeg ah loo horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh.

Boolisku wuxuu uga digayaa shacabka faafinta warar aan la hubin, si looga hortago dacaayado wax u dhimaya amniga iyo kalsoonida shacabka, Cid kasta oo lagu helo abuurka, duubista ama faafinta muuqaallo noocan ah, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles