Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka oo la magacaabay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Mukhtaar Jayte si ku-meel-gaar ah loogu magacaabay xilka Lataliyaha Amniga Qaranka, kaddib markii uu dhowaan xilkaasi iska casilay Xuseen Macallin.

Magacaabistan ayaa timid iyadoo loo baahnaa buuxinta booska, xilli uu dalku wajahayo duruufo amni iyo mid siyaasadeed. Mukhtaar Jayte waxa uu horey u ahaa Lataliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mr. Jayte ayaa maanta bilaabay waajibaadkiisa cusub, isaga oo la yeeshay kulankiisii ugu horreeyay ee shaqo shaqaalaha Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta howlaha xafiiska, dib-u-eegista qorsheyaasha amniga qaranka, iyo hagaajinta wadashaqeynta hay’adaha amniga.

Lataliyaha Cusub ee Amniga Qaranka Mukhtaar Jayte oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland waxa uu hore usoo noqday Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Puntland PISA.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles