MW Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka.

Shirkan ayaa waxa ka qeyb galaya madax ka socota dalal kala duwan oo caalamka iyo gobolka Geeska Afrika ah, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta sugnaanta cuntada, la-dagaallanka abaaraha, iyo dhisidda nidaamyo adkeysi u leh isbedelka cimilada.

Inta uu joogo magaalada Addis-Ababa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulan gaar ah la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadli doona xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo arrimaha gobolka.

Kulankooda ayaa lagu wadaa in xoogga la saaro sidii looga hortagi lahaa xiisadaha gobolka, iyadoo la eegayo doorarka muhiimka ah ee ay labada dowladood ku leeyihiin xasilloonida Geeska Afrika.

Shirweynahan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, oo weli la tacaaleysa saameynta abaaraha, colaadaha, iyo cunto yarida, iyadoo dowladda federaalka ahna ay dadaal ugu jirto sidii loo heli lahaa taageero caalami ah oo wax-ku-ool ah.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles