Saturday, August 8, 2026

MW Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Shirweynaha Qaramada Midoobey ee Sugnaanta Cuntada Adduunka.

Shirkan ayaa waxa ka qeyb galaya madax ka socota dalal kala duwan oo caalamka iyo gobolka Geeska Afrika ah, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta sugnaanta cuntada, la-dagaallanka abaaraha, iyo dhisidda nidaamyo adkeysi u leh isbedelka cimilada.

Inta uu joogo magaalada Addis-Ababa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulan gaar ah la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadli doona xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo arrimaha gobolka.

Kulankooda ayaa lagu wadaa in xoogga la saaro sidii looga hortagi lahaa xiisadaha gobolka, iyadoo la eegayo doorarka muhiimka ah ee ay labada dowladood ku leeyihiin xasilloonida Geeska Afrika.

Shirweynahan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, oo weli la tacaaleysa saameynta abaaraha, colaadaha, iyo cunto yarida, iyadoo dowladda federaalka ahna ay dadaal ugu jirto sidii loo heli lahaa taageero caalami ah oo wax-ku-ool ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles