Booliiska Soomaaliya oo 5 eedeysani u xiray muuqaal ay duubeen oo lagu faafiyay Baraha Bulshada

Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay shan (5) eedeysane oo ku lug lahaa muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada, kaasi oo si been abuur ah u muujinayay Askari dharcad ah oo dhacaya qof jalaatoole ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay Booliska Soomaaliya.

Baaritaanno degdeg ah oo ay sameeyeen Ciidanka Booliska ayaa lagu xaqiijiyay in muuqaalku ahaa jiliin si ula kac ah loo sameeyay, ujeedadiisuna ahayd sumcad-dil iyo marin habaabin ka dhan ah hay’adaha amniga, Shanta (5) eedeysane ayaa hadda ku jira gacanta Booliska, waxaana si degdeg ah loo horgeyn doonaa Maxkamadda awoodda u leh.

Boolisku wuxuu uga digayaa shacabka faafinta warar aan la hubin, si looga hortago dacaayado wax u dhimaya amniga iyo kalsoonida shacabka, Cid kasta oo lagu helo abuurka, duubista ama faafinta muuqaallo noocan ah, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles