Monday, November 3, 2025

Booliska Galmudug oo xaqiijiyay in dad loo soo qabtay dilkii loo geystay Hooyo iyo Caruurteeda

Taliyaha Qaybta Booliska Galmudug, Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin, ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka maamulka Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen lix nin oo lagu tuhunsan yahay weerarkii habeen hore ka dhacay deegaanka Guudoole ee gobolka Galgaduud, weerar kaas oo sababay dilka hooyo Soomaaliyeed iyo dhaawaca caruurteedii.

Ragga lasoo qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:
Cabdikafi Maxamed Axmed, Cabdulhi Xasan Daahir, Maxamed Cabdi Cabdulle, Suudi Daahir Kaahiyo, Qaasin Axmed Jimcaale, iyo Maxamed Cabdi Xeedar.

Taliyaha ayaa sheegay in eedeysanayaasha lagu soo qabtay howlgal qorshaysan oo ay fuliyeen ciidanka booliska Galmudug, kadib markii ay ka war heleen inay u baxsadeen dhanka magaalada Muqdisho.

“Ciidamada waxay sameeyeen baaritaanno iyo howlgal habaysan oo keentay in lagu guuleysto qabashada eedeysanayaasha, iyagoo qaarkood dhaawac ku ahaa markii lasoo qabtay,” ayuu yiri G/Sare Khaliif Cabdulle Maalin.

Booliska Galmudug ayaa sheegay in eedeysanayaasha hadda lagu hayo gacanta ciidamada, isla markaana la horgeyn doono cadaaladda si loo marsiiyo sharciga.

Taliska Booliska ayaa bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, isla markaana ay ka warbixiyaan cid kasta oo ku lug leh falalka amni-darrada, si loo sugo xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan sheikh oo gaaray magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo la kulmay wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

RW Xamsa oo ka Jawaabay Cabashada Shacabka ee qaadashada Kaarka NIRA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre oo...

NISA oo sheegtay in ay duqeyn ku dishay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa la...

Maaraayaha Hay’adda NIRA oo ka jawaabay cabasho ka soo yeertay Shacabka

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya ayaa ka hadlay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles