Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo la kulmay wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya mudane Hideki Matsunaga.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya SoDMA iyo Bangiga Adduunka, gaar ahaan dhanka maareynta musiibooyinka, ka hortagga khataraha dabiiciga ah, iyo kor u qaadidda dadaallada horumarinta bulshada ee ay dowladda Soomaaliya wado.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Mudane Hideki Matsunaga, ayaa bogaadiyay horumarka iyo dadaalka joogtada ah ee SoDMA iyo guud ahaan hay’adaha dowladda, waxuuna ballanqaaday in Bangiga Adduunka uu sii wadi doono taageerada farsamo iyo tan maaliyadeed ee Soomaaliya u baahan tahay, si loo gaaro yoolka ah dhisidda bulsho adkaysi leh oo la tacaali karta musiibooyinka iyo isbeddelka cimilada.

Ugu danbeyn , Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu gacan ka geysan doono xoojinta awoodda dalka ee ka jawaabista iyo ka hortagga musiibooyinka

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles