Sunday, January 25, 2026

Booliska Kenya oo xiray dhalinyaro Soomaali ah

Ciidamada Booliiska ee dalka Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 23 ruux oo dhalinyaro Soomaali ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay kula kaceen falal anshax-xumo ah, kadib markii ay soo gudbiyeen muuqaalo jirdil iyo xadgudubyo ka dhan ah gabdhaha Kenyan-ka.

Dhalinyaradan ayaa ka muuqday muuqaalo lagu baahiyay barta TikTok, iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah gabdhaha ay si anshax-daro ah u taabtaan iyo in kale ay ku jirdilaan, sida ay Doreen warbaahinta Kenya.

Ciidamada booliiska ayaa si gaar ah ugu raad joognayay kooxdan dhalinyarada ah, kuwaasoo dhowr toddobaad loo haystay.

Dhalinyaradaasi ayaa ugu dambeyn lagu soo qabtay saldhiga booliiska ee magaalada Pangani, halkaas oo haatan lagu hayo.

Wararka ayaa sheegaya in dhammaan dhalinyaradan laga soo masaafurin doono dalka Kenya kadib markii kiiskooda la dhageysto, sidoo kalena waxaa loo sheegi doona in loo soo celiyo Soomaaliya.

Inta badan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda Islii, ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aanka xabsiga lagu xiray dhalinyaradan, iyagoo u arka tallaabo muhiim ah oo lagu xakameynayo falalka noocan ah.

Waxaa la filayaa in dhalinyaradan la horgeeyo maxkamad, si loo qaado tallaabooyin sharciga ah oo ku aaddan falalka ay ku kaceen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles