Saturday, May 2, 2026

Wafdi ka socda DFS oo gaaray Dalka Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Cali Yuusuf Cali  Xoosh iyo Wafdi sare oo uu hoggaaminaayo ayaa socdaal Shaqo ku gaaray Dalka Pakistan.

Wafdigan ayaa inta ay joogaan dalkaasi waxay la kulmi doonaan madaxda kala duwan ee dalka Pakistan, iyagoo kala hadli doona dhinacyada kala ah iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee ku aaddan Dhinacyada Aqoonsiga Qaranka & Diiwaangalinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka,Dimuqraadiyadda iyo dhinacyada gargaarka.

Wafdiga Wasiirka Arrimah Gudaha XFS waxaa caasimadda Islamabad ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socda Dowladda Pakistan iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Pakistan Danjire Sheekh nuur Maxamed Xasan.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxa qayb ka ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Md Cabdikariin Axmed Xasan, Maareeyaha Hay’adda NIRA Mudane Cabdiwali Timacadde, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md Maxamuud Macallin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Cismaan C/laahi Kaniif.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 05 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Cutubkii ugu horeeyey Ciidanka Masar oo ku soo wajahan Somalia

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in cutubkii ugu horreeyay...

Wasiiro, siyaasiyiin & Xildhibaano ku qulqulaya Baydhabo

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo ay...

Iran oo xoojisay awoodeeda Milateri, lana soo baxday hub cusub

Warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera ayaa baahisay warbixin...

Soomaali Mindi ku weeraray dad Yuhuud ah oo dacwad lagu soo oogay

Ciise Suleiman ayaa lagu soo oogay dacwad isku day...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles