Booliska oo beeniyay inuu dil ka dhacay Saldhiga Waabari

Booliiska Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in qof shacab ah lagu dilay afaafka hore ee Saldhigga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in Askarta Saldhigga Waaberi ay soo xireen eedeysane lagu magacaabo Farxaan Ibraahim Abshir, kaas oo loo haystay eedeymo la xiriira falal sharci-darro ah.

Booliiska ayaa sheegay in xilli eedeysanaha la hayay uu isku dayay inuu qoriga ka qabsado mid ka mid ah Askarta Saldhigga, kadibna uu dhacay isku dhac sababay in xabbad si kama’ ah uga fakatay qoriga, taas oo garabka kaga dhacday eedeysanaha.

Sida uu Booliisku sheegay, Farxaan Ibraahim Abshir ayaa soo gaaray dhaawac fudud, waxaana loo qaaday isbitaal si loo siiyo daryeel caafimaad.

Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale caddeeyay in baaritaan lagu hayo dhacdada iyo sida ay xabbaddu u dhacday, iyadoo lagu adkeeyay in aysan jirin mayd laga soo saaray Saldhigga Degmada Waaberi, sida lagu faafiyay wararka qaarkood.

Booliisku waxay sheegeen in baaritaanka dhacdada uu socdo, islamarkaana wixii kasoo kordha ay bulshada la wadaagi doonaan.

WARARKII KALE

Booliska Nepal oo shaaciyey dhimasho hor leh

Booliska Nepal oo shaaciyey dhimasho hor leh Tirada dadka...

IMO oo ka digtay soo laabashada burcad-badeedda Soomaaliya

Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO) ayaa ku baaqday...

Al-Shabaab oo sii daysay 5 xoolo-dhaqato Kenyan ah oo laga afduubtay Mandera

Shan xoolo-dhaqato ah oo Kenyan ah, kuwaas oo la...

Guddoomiye Muungaab oo si adag uga hadlay burburinta dhulalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Muungaab, ayaa si adag uga hadlay...

Trump: Waxaan aamin sanahay inuu weli nool yahay hogaamiyaha sare ee Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay...

Ilaa 160 qof oo ay daadad ku laayeen dalka Nepal

In ka badan 160 qof ayaa ku dhintay Nepal,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles