Monday, September 1, 2025

Booliska Puntland oo qabtay askari weerar ku qaaday askar kale

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Gobolka Nugaal, ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in gacanta lagu soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Cali, kaasi oo lagu eedeeyay in uu 24-ka Luulyo 2025 weerar toos ah ku qaaday ciidamo boolis ah oo ku guda jiray hawl-maalmeedkooda shaqo. Weerarka ayaa ka dhacay gudaha magaalada Garoowe,

Ciidamada Booliska Qaybta Gobolka Nugaal oo uu hoggaaminayo Taliyaha Qeybta G/Sare Maxamed Cali Axmed, ayaa si degdeg ah uga falceliyay, waxaana ay ku guuleysteen in eedeysanaha lasoo qabto muddo kooban gudaheed, kadib howlgallo baaritaan oo laga sameeyay magaalada.

Booliska Puntland wuxuu caddeynayaa in eedeysanaha haatan ku sugan yahay xabsi dhexe, iyadoo loo gudbin doono hayโ€™adaha cadaaladda si uu u maro hannaanka sharciga ah ee dawladda Puntland.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu mar kale adkeynayaa sida ay uga goโ€™an tahay ilaalinta amniga muwaadiniinta, difaaca ciidamada ka howlgala wadooyinka, iyo in si degdeg ah loo qabto cid kasta oo ku kacda falal amni-darro ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles