Wednesday, March 4, 2026

Booliska Puntland oo qabtay dadkii ka dambeeyay dil ka dhacay Garoowe

Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa xaqiijiyey in laamaha amniga ay ku guuleysteen in gacanta lagu soo dhigo labo eedeysane oo loo haysto dil ka dhacay magaalada Garoowe habeenkii xalay.

Falkaan dilka ah ayaa dhacay abbaare 2:00 habeenimo, bannaanka hore ee Hotel ku yaala Garoowe, waxaana lagu dilay laba ruux oo midkood uu ahaa waardiye ka tirsanaa shaqaalaha hotelka. Dabley hubeysan ayaa falkan geystay kadibna ka baxsaday goobta.

Ciidanka Booliska oo kaashanaya Laanta Dambi-baarista (CID) ee Gobolka Nugaal ayaa isla markiiba bilaabay howlgallo baaris iyo raadraac ah. Natiijada baaritaankaasi ayaa keentay in la qabto labo ruux oo hadda loo haysto falkaasi, kuwaas oo ku jira gacanta CID-da, iyadoo baaritaanka rasmiga ah uu ku socdo.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu shacabka ugu baaqayaa in ay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha amniga, gaar ahaan marka ay jiraan dhacdooyin culus oo sidaan oo kale ah, si loo sugo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles