Booliska Puntland, gaar ahaan taliska qaybta gobolka Mudug ayaa sheegay in uu soo qabtay haweeney lagu eedeeyay in ay gabadh yar ku dishay magaalada Gaalkacyo.
Booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen eedeysane Hodan Maxamuud Diiriye oo lagu eedeynayo in ay dishay marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ahayd.
War-saxaafadeed ka soo baxay booliska Puntland ayaa lagu yiri “ciidanka booliska Puntland, gaar ahaan taliska qeybta gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanad Hodan Maxamuud Diiriye, oo 34 jir ah, taas oo lagu eedeeyay in ay dishay Marxuumad Saabiriin Saylaan Cabdulle, oo 14 jir ahayd”.
“Eedeysanadda ayaa haatan ku jirta gacanta ciidanka booliska, waxaana lagu wadaa baaritaan hordhac ah, kaddib marka baaritaanku soo dhamaado, eedeysanadda ayaa la horgeyn doonaa maxkamadda awoodda u leh” ayaa la raaciyay war-saxaafadeedka.
Dilka gabadha yar ayaa sababay kacdoon ay saacadihii la soo dhaafay sameeyeen haweenka magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo codsanayay in ay caddaalad hesho marxuumad Saabiriin.


