Friday, November 14, 2025

Booliska Puntland oo war ka soo saaray dagaalka ka dhacay Garoowe

War ka soo baxay Talisk Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in maanta hawlgal qorsheysan ku qabteen gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka guud ee dowladda, kaasi oo siday sheegeen ay dhaceen ciidanka PSF.

“Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta hawlgal qorsheysan ku qabtay gaari bas ah oo horay looga dhacay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Dawladda, kaas oo ay si sharci-darro ah u dhaceen maleeshiyaad isku ekeeysiiyay ciidanka amniga, kuwaa oo horay loo oran jiray PSF.”

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa intaasi lagu daray “Gaarigan, oo la doonayey in si dhuumaaleysi ah loogu iibiyo Koonfurta Gaalkacyo, ayaa lagu qabtay Koontaroolka Bari ee Garoowe, iyada oo ay ilaalinayey gaari kale oo dabley saarneyd. Markii ay ciidanka amniga isku dayeen in ay gaadiidka joojiyaan, dableydii wadatay ayaa si ula kac ah rasaas ugu furtay ciidanka, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.”

“Ciidanka Booliska Puntland, oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga, ayaa si degdeg ah u jawaabay, iyagoo gacanta ku dhigay labada gaari iyo shaqsiyaadkii ku lugta lahaa falkan gurracan” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland.

Ciidanka Booliska Puntland ayaa sidoo kale sheegay in uu socdo Baaritaan rasmi ah, islamarkaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga” Booliska Puntland waxay bulshada u caddeynayaan in aysan jiri doonin cid ka sarreysa sharciga, cid kasta oo isku dayda in ay carqaladeyso amniga shacabka ama ay ku takri-fasho awoodda dowladda, si kastaba ha isku qarisatee, lala xisaabtami doono.”

“Marka baaritaanku dhammaado, Boolisku waxay dadweynaha u soo bandhigi doonaan faahfaahinta dhabta ah ee kiiskan, si ay caddaaladdu u noqoto mid muuqata. Dowladda Puntland waxay mar kale ku adkeynaysaa go’aankeeda ah in aan la aqbali doonin kooxo hubeysan oo isku daya in ay dhibaato ku hayaan nidaamka iyo kala dambeynta” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gaaray Magaaladda Kampala ee caasimadda Dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha wadooyinka Dekedda

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir...

Hay’ada WHO oo war ka soo saartay cudurka ka dilaacay Itoobiya

Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay inay u...

Shirka Golaha Wasiirrada XFS oo looga hadlay qodobo muhiim ah.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Farmaajo oo muddo seddex sano ah kadib dib ugu soo laabtay dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles