Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in weerar hubeysan oo maanta lagu qaaday saldhigga Booliska degmada Warta-Nabadda uu sababay in maxaabiis lagu xirnaa dambiyo culus ay baxsadaan, halkaas oo burbur iyo khasaare naf iyo maalba leh uu ka dhashay.
Bayaanka kasoo baxay Booliska ayaa lagu cambaareeyay weerarka, iyadoo si gaar ah loogu digay kooxaha hubeysan iyo siyaasiyiinta la sheegay inay si sharci darro ah u adeegsanayaan gaadiid dagaal iyo hub culus oo aan lagu dhex wadan karin magaalada Muqdisho.
Taliska Booliska ayaa shacabka uga digay in ay isku dhex milmaan kooxaha la sheegay inay ujeedadoodu tahay qalqal gelinta amniga, halka hay’adaha amnigana lagu wargeliyay in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo jebisa digniintan.



