Jubaland oo si adag u cambaareysay barakicinta iyo tacadiyada ka socda Muqdisho iyo isku dayga dil ay ka badbaadeen mucaaradka

War qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Jubaland ayaa lagu sheegay in maamulka Jubaland si adag u cambaareynayo barakicinta iyo tacadiyada loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed ee si xoog ah dhulkooda looga barakicinayo gudaha magaalada Muqdisho.

Bayaanka ayaa lagu xusay dhacdo naxdin leh oo maanta ka dhacday caasimadda, taas oo Aabbe iyo Hooyo Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan lagu jirdilay, dhulkoodana si xoog ah looga qaaday.

War-saxaafadeedka Jubaland ayaa sidoo kale lagu sheegay isku day dil ay ka badbaadeen mas’uuliyiin ka tirsan Madasha Samatabixinta oo goobta joogay, kuwaas oo isku dayay inay damiyaan xaaladda isla markaana taageero caafimaad degdeg ah u fidiyaan dhibbanayaasha. Mas’uuliyiintaas, sida lagu sheegay, ayaa markii dambe lagu hayay saldhigga degmada Wardhiigley ee Muqdisho, taas oo Jubaland ku tilmaantay dhacdo halis ah oo aan la aqbali karin.

Dowladda Jubaland waxay ku boorrisay saraakiisha iyo ciidamada booliska gobolka Banaadir in ay gutaan masuuliyadooda ku aaddan ilaalinta sharafkooda, karaamadooda, iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed. Waxa kale oo lagu adkeeyay in dhul-boobka iyo cabburinta shacabka Soomaaliyeed uu yahay xadgudub ka dhan ah dastuurka iyo mabaadi’da dalka, isla markaana cid kasta oo ku lug yeelata arrimahaas lala xisaabtami doono.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Janan oo Baladxaawo tagay, heshiiskii Nairobi iyo wareejinta xerada UK oo la qorsheeyay

Wararka laga helayo G/Gedo ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan...

Shiinaha oo digniin u diray Somaliland kadib xiriirka Taiwan

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay...

Mareykanka oo soo jeediyay in xafiiska Q.M ee UNSOS hal sano oo dheeraad ah lagu kordhiyo

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Taageerada Qaramada...

Fadhigii Golaha Shacabka oo maanta Baaqday

Waxaa maanta baaqday fadhiga ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha...

DFS oo sheegtay inay burburisay shabakado ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles