Booliska Soomaaliya oo sheegay in maxaabiis ay ka baxsadeen Saldhiga degmada Warta Nabada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ku sheegay in weerar hubeysan oo maanta lagu qaaday saldhigga Booliska degmada Warta-Nabadda uu sababay in maxaabiis lagu xirnaa dambiyo culus ay baxsadaan, halkaas oo burbur iyo khasaare naf iyo maalba leh uu ka dhashay.

Bayaanka kasoo baxay Booliska ayaa lagu cambaareeyay weerarka, iyadoo si gaar ah loogu digay kooxaha hubeysan iyo siyaasiyiinta la sheegay inay si sharci darro ah u adeegsanayaan gaadiid dagaal iyo hub culus oo aan lagu dhex wadan karin magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska ayaa shacabka uga digay in ay isku dhex milmaan kooxaha la sheegay inay ujeedadoodu tahay qalqal gelinta amniga, halka hay’adaha amnigana lagu wargeliyay in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo jebisa digniintan.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles