Booliska Soomaaliya oo war ka soo saartay shaqaaqadii ka dhacday Deyniile

War ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in shalay xaafad ka tirsan Degmada Dayniile ay ka dhaceen rabshado la xiriira banaanbax ay sameeyeen kooxo dhalinyaro ah oo abaabulan.

Boolisku waxay sheegeen in banaanbaxaasi isu beddelay fowdo, kadib markii la weeraray dukaan uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed, isla markaana la boobay hantidiisa, iyadoo ay goobta isugu soo baxeen haween iyo carruur.

Ciidanka Booliska oo gurmad degdeg ah sameeyay ayaa gaaray halka ay wax ka dhaceen, balse intii ay ku guda jireen sugidda amniga iyo badbaadinta hantida shacabka, ayay la kulmeen dhagax-tuur iyo rabshado ay sameeyeen dad abaabulan.

Taliska Booliska ayaa xaqiijiyay in rabshadahaasi ay ku dhaawacmeen ilaa 3 qof oo rayid ah, kuwaas oo la geeyay isbitaallo ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan lagu dabiibayo, iyadoo la xaqiijiyay in uusan jirin wax dhimasho ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles