Monday, April 6, 2026

Buuq iyo sawaxan ka taagan Xarunta Golaha Shacabka

Waxaa maanta buuq iyo sawaxan xooggan uu ka taagan xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, xilli xildhibaanada labada aqal la horgeynayo hindise wax-ka-beddel lagu sameynayo shan cutub oo cusub oo ka mid ah Dastuurka KMG ah.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa deg deg u gaaray xarunta Baarlamaanka, iyagoo la wareegay masraxa, kuna muujinaya diidmo adag oo ay ka qabaan sii wadista wax-ka-beddelka Dastuurka.

Xildhibaano watay firinbi ayaa buuq ka abuuray hoolka, taasoo oo muuqato inay ku soo bandhigayaan awoodooda.

Sidoo kale, xildhibaanada mucaaradka ayaa qaaday heesta Calanka Qaranka, taasoo beddeshay jawigii hoolka, una muuqatay farriin ay ku muujinayaan midnimo iyo mowqifkooda siyaasadeed.

Dhanka kale, waxaa weli maqan guddoonka Baarlamaanka, taasoo sii murjisay xaaladda, isla markaana keentay in kulanka uu dib u dhac ku yimaado.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana la sugayaa sida ay u wajahaan guddoonka iyo madaxda Baarlamaanka, si loo xakameeyo buuqa loona sii wado howlaha sharci-dejinta.

WARARKII KALE

DFS oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday G/Baay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Qaranka, oo...

DFS oo war ka soo saartay shidaal qodista ka bilaabanaysa dalka

Wasiiru dowladaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa qoraal uu...

Khasaare ka dhashay gantaallo ay Iraan ku weerartay Israa’iil

Iiraan ayaa labo gantaal ku garaacday magaalooyin ku yaala...

Wasiirka Tamarta Turkiga oo ku soo wajahan Muqdisho

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Alparslan Bayraktar...

Mareykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyayaal oo ka wada hadlaya xabad joojin

Warbaahinta Axios ee Mareykanka ayaa soo xigatay afar ilo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles