Jubbaland iyo Puntland oo ka Horyimid wax ka beddelka Dastuurka Federaalka

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad u beenisay warka ay soo saartay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo la xiriiray geeddi-socodka wax-ka-beddelka Dastuurka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin hadallada DFS, islamarkaana Jubaland aysan qeyb ka ahayn geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka, maadaama aan lagu saleeyn hannaan sharci ah oo waafaqsan heshiisyadii hore ee lagu dhisay nidaamka federaalka.

Dhanka kale, Maamulka Puntland ayaa isna shaaca ka qaaday in uusan waxba iska beddelin mowqifkiisii hore ee soo baxay 26-kii Maarso 2024, kaas oo ku aadanaa diidmada wax-ka-beddelka nuqulo ka tirsan Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.

Puntland ayaa nasiib-darro ku tilmaantay tallaabada Dowladda Federaalka ay ku doonayso in meesha kaga saarto Dastuurkii KMG-ga ahaa ee ay ku heshiisay Bulshada Soomaaliyeed, kaas oo lagu ansixiyay shirweynihii ergooyinka dadweynaha ee ka dhacay Muqdisho 1-dii Agoosto 2012, kuna jiray 825 ergo.

War-saxaafadeedka Puntland ayaa sidoo kale lagu adkeeyay in wax-ka-beddel kasta oo lagu sameynayo dastuurka dalka uu waajib ku yahay in lagu maro waddo sharci ah, lagana helo oggolaanshaha dhammaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Labada maamul ee Jubaland iyo Puntland ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan jihada uu u socdo isbeddelka dastuurka, iyagoo ku baaqay wadatashi ballaaran, wada-tashi qaran, iyo in la ilaaliyo heshiisyadii hore ee lagu dhisay dowladnimada Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu maanta guda gelayo doodda cutubyo ka mid ah wax-ka-beddelka dastuurka, taas oo sii xoojisay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles