Fadhigii BFS oo Buuq ku soo xirmay iyo Mucaaradka oo ka hortagay qorshaha Dastuurka

Fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku soo dhammaaday buuq iyo is-mariwaa, kadib markii xildhibaanada mucaaradka ay ka hor yimaadeen qorshaha wax ka beddelka Shan cutub oo ka mid ah Dastuurka KMG ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ku guuldareystay inuu si rasmi ah u furo kulanka, kaddib markii xildhibaano diidan ajandaha fadhiga ay kiciyeen sawaxan xooggan, taasoo keentay in guddoonka uu si degdeg ah uga baxo xarunta Baarlamaanka, kulankiina uu sidaas ku xirmo.

Intii uu socday buuqa xildhibaano ka tirsan labada dhinac ayaa gacmaha isula tageen, iyadoo xaaladdu ay noqotay mid aan la xakameyn karin, waxaana goobta dagaal gacan ka hadal ah ku dhexmaray wasiirka amniga Fartaag iyo Xildhibaan Xasan Firinbi.

Xildhibaanada mucaaradka ah ee diidan wax ka beddelka Dastuurka iyo qorshaha muddo-kordhinta ee lagu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u muujiyay diidmo, iyagoo jeex-jeexay warqadihii ajandaha kulanka maanta.

Mudanayaashan ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka inay doonayaan inay meel mariyaan isbeddello Dastuuri ah oo aan haysan taageerada shacabka iyo Baarlamaanka.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qorshihii maanta la doonayay in lagu meel mariyo wax ka beddelka Dastuurka, kaas oo ay ku tilmaameen mid lagu xoojinayo muddo-kororsi iyo awood-uruursi.

Waxaa la filayaa in xildhibaanada mucaaradka ay saacadaha soo socda la hadlaan warbaahinta, si ay u faahfaahiyaan mowqifkooda iyo sababaha ay u diidan yihiin ajandaha dowladda.

WARARKII KALE

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

Maraykanka oo Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada

Maraykanka ayaa Suuriya ka saaray liiskiisa dalalka taageera argagixisada,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles