Tuesday, March 3, 2026

C/kariim Guuleed oo eedeyn u jeediyay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa warqad furan u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo kaga hadlay dhaliil xoogan uu u haayo Dowladda iyo jihada ay hadda kuwado Siyaasadda dalka.

Guuleed oo door weyn ku lahaa abaabulka siyaasadeed ee bilawgii hore ee lagu taageeray in Xasan Sheekh talada dalka qabto, isla markaana muddooyinkii u dambeeyay ahaa ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan wada hadallada Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujiyey jihaynta dalka.

“Mudane madaxweyne…. Anigoo ka mid ah saaxiibada kuugu aqoonta badan dadka siyaasadda ku jira maanta, wax badana xeerinaya, hadana xaalka uu maanta dalku ku jiro fasax iima siinayo inaan indhaha ka qabsado, oo aan sugo inta ay wax walba ka baxayan gacanta Soomaalida.” Ayuu yiri.

Qoraalka ayaa waxaa uu intaasi ku daray” Mudane madaxweyne Doorashada halka dhinac ah ee aad haatan ku mashquulsantahay waxay dalka galin doontaa fowdo amni, firaaq maamul iyo in ummaddu sii kala foggaato, taladuna ay ka baxdo gacanta Soomaalida. Waxaan kugula talinayaa mudane madaxweyne inaad waaqica usoo laabato, doorashada dhexda soo dhigto, hormuudka siyaasadda kaalintooda siisid..”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles