Cali Balcad “Isbahaysi Sacuudi iyo Masar waa lama huraan xilligan”

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa sheegay in Soomaaliya ay wajahayso caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale oo aad u adag, kuwaas oo u baahan iskaashi goboleed oo mideysan, gaar ahaan mid lala yeesho Boqortooyada Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Masar.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Al-Majalla, ayaa tilmaamay in mudnaanta koowaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee dalka, la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sugidda amniga marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Cali Cumar ayaa sheegay in khataraha amni ee gudaha dalka iyo faragelinta dibadeed ay qasab ka dhigayaan in la helo iskaashi goboleed oo xooggan, si looga hortago argagixisada loona xoojiyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Dhanka kale, wasiirka ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay ku sheegtay aqoonsiga waxa ay ugu yeertay “madax-bannaanida Somaliland”, isagoo ku tilmaamay mid jebinaya sharciga caalamiga ah isla markaana halis ku ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay saameyn taban ku yeelan karto amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana aysan u adeegayn danaha guud ee dunida Carabta.

Sidoo kale, Cali Cumar ayaa adkeeyay in nidaamka federaalka ee Soomaaliya uusan siinayn maamul-goboleedyada wax xuquuq ah oo ku saabsan matalaadda dibadda, taasoo si cad ugu xusan Dastuurka dalka. Wuxuu xusay in xiriirka caalamiga ah uu yahay mas’uuliyad gaar u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marka laga hadlayo xiriirka Mareykanka, wasiirku wuxuu sheegay in isbeddellada siyaasadeed ee ka jira Washington, gaar ahaan xilligii madaxweyne Donald Trump, aysan si gaar ah u beegsan Soomaaliya, balse ay qayb ka yihiin siyaasad guud oo Mareykanku ku dhimayo kaalinta gargaarka caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in inkasta oo ay jiraan caqabado dhanka amniga ah, haddana dowladda Soomaaliya ay gaartay horumar la taaban karo, isagoo tilmaamay in ku dhawaad 80% dalka laga xoreeyay kooxaha hubeysan, islamarkaana ay sii socdaan howl-gallada lagu ciribtirayo argagixisada, kuwaas oo barbar socda dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles