Monday, February 16, 2026

Cali Guudlaawe oo si adag ula dardaarmay Ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle Gaashaanle Sare Xasan Dhicisoow Xasan ayaa si adag ula dardaarmay Ciidanka Daraawiishta Hirshabeelle gaar ahaan dufcada 5-aad ee dhawaan tababarka u soo dhammaaday.

Saraakiisha iyo Ciidanka ayaa wacad ku maray inay ka rumeyn doonaan dardaaranka Madaxweynaha ee ah in lasoo af-jaro AS.

Taliyaha Ciidanka Booliska Hirshabeelle ayaa tilmaamay in la joogo xilliga ay awooddooda soo bandhigi lahaayeen Ciidamada Daraawiishta Hirshabeelle.

“Maanta wax walba waa idiin dhammeystiran yihiin waxaan ku kalsoonahay inaad ciqaabi doontaan AS.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa u mahadceliyay saraakiishii gacanta ku heysay muddadii tababarka iyo qalabeynta dufcada 5-aad ee Daraawiishta Hirshabeelle.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare ee CQS oo xukun ku riday rag ku lug lahaa dilal iyo qaraxyo ka dhacay Balad Xaawo

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa...

Midowga Afrika oo si adag uga horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga...

Turkiga oo maanta Soomaaliya u soo diray Markabka qodista Shidaalka

Muuqaal uu baahiyay Wasiirka Tamarta ee Turkey, Alparslan Bayraktar,...

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo weli ka socda dalka Itoobiya

Midowga Afrika oo xaruntiisa ku taalla magaalada Addis Ababa...

Ciidamada Jubbaland oo Burburiyay Warshad Miinooyin oo Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubbaland oo kaashanaya ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles