Madaxweyne xasan sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxa uu kaga hadlay amniga, dimuqraadiyeynta, midnimada Afrika iyo difaaca madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay sii wadi doonto xoojinta wada-shaqeynta Afrika, gaar ahaan ka shaqeynta isku-duwidda codka Afrika ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo uga mahadceliyay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika kalsoonida ay u muujiyeen Soomaaliya si ay uga mid noqoto Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika muddada 2026–2028.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimiyey guusha doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomay Gobolka Banaadir, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dowlad-dhisidda, waxa uuna soo bandhigay diyaargarow lagu ballaarinayo hannaankan doorashada tooska ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka hadlay tallaabooyinka ay Israa’iil ku faragelisay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay dalalka Afrika mowqifka iyo bayaanka mideysan ee ay ku diideen xadgudubyadaas.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku booriyay dalalka Afrika inay sii xoojiyaan midnimada, wada-shaqeynta iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka qaaradda, isagoo caddeeyay in madaxbannaanidu ay tahay tiirka iskaashiga iyo horumarka mustaqbalka qaaradda.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles