Ciidamada Jubbaland oo Burburiyay Warshad Miinooyin oo Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada Hoose

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubbaland oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan ku burburiyay warshad lagu sameynayay miinooyin oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen dhulka Badda-madow ee u dhexeeya Raaskaambooni iyo Badhaadhe, gaar ahaan deegaanka Hola-Wajeer iyo agagaarkiisa.

Howlgalka ayaa lagu soo qabtay hal goob oo kaliya ku dhowaad 90 xabbo oo miinooyin ah iyo qalabkii lagu farsameynayay walxaha qarxa.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay miinooyin kale oo tiro badan oo la diyaarinayay.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in magaalada Raaskaambooni la keenay meydadka ku dhowaad 50 ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu dilay dagaalka ka dhacay aaggaasi.

Miinooyinkan ayaa la rumeysan yahay in loo qorsheeyay in lagu waxyeelleeyo shacabka rayidka ah.

Shacabka ku nool Jubbaland iyo gobolka Waqooyi-bari ee Kenya ayaa hore dhibaatooyin badan uga soo gaaray walxaha qarxa ee ay maleeshiyaadku ku aasaan waddooyinka iyo goobaha dadweynaha.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga, laguna baabi’inayo khataraha ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku hayaan shacabka iyo isu socodka ganacsiga ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles