Tuesday, March 3, 2026

Ciidamada ammaanka oo xiray dad diiday Barakicinta ka socota Muqdisho

Ciidamada Ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa xiray Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble iyo Ganacsade Cali Xaaji Iimaan iyo Bulaale oo ka tirsan mucaaradka dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in laga xiray agagaarka Hotelka Global oo uu degenaa Ganacsade Cali Xaaji Iimaan.

Mas’uuliyiintaan la xiray ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn uga cabanayay arrintii dhulka Siinaay iyo sida ay dowladdu u maareysay, waxaana shalay ay qeyb ka ahaayeen xubnaha Mucaaradka ee lagu rasaaseeyay Saldhigga degmada Wardhiigley.

Xariggan ayaa wuxuu sii xoojinayaa xiisada ka taagan magaalada Muqdisho oo ay Mucaaradka abaabulayaan bannaan baxa Sabtida, balse ay dowladdu si weyn uga soo horjeedo inuu dhaco.

Siyaasiyiin badan ayaa cambaareeyay xariga masuuliyiintan.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana la dhowrayaa sida ay wax u dhici doonaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles