Friday, February 13, 2026

Ciidamada Amniga Boosaaso oo qabtay nin ajnabi ah iyo Qaraxyo

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland , ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ku qabtay nin ajnabi ah oo la socday nin kale oo ajnabi ah oo xalay ciidamada Puntland dileen xilli uu miino aasayay.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada amniga Boosaaso ku qabtay nin u dhashay dalka Yemen oo la sheegay in uu qeyb ka ahaa falal amni daro, sidoo kale la socday nin xalay ciidamada amniga toogteen isaga oo miino aasayay.

Ciidamada amniga Boosaaso, ayaa sidoo kale howlgal ay ka sameeyeen guriga uu degnaa ninkii xalay la dilay waxa ay soo heleen qaraxyo miino iyo sidoo kale agabyo kale oo waxyaabaha qarxa laga sameeyo.

Magaalada Boosaaso waxaa maanta ka socda howlgal ka dhan ah ajaaniibta kunool magaaladaasi , kuwaa oo looga shakisan yahay in ay qeyb ka yihiin falalka amnidarro ee kooxda Daacish ka wado magaaladaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo gaaray Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo...

Maxay ka wadahadleen wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa Kulmay...

Kenya oo dib u furaysa xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya

Kenya ayaa dib u furi doonta xuduuddeeda ay la...

Booliska Kenya oo xiray Nasir Cige iyo eedeynta loo haysto

Qoraal kasoo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in...

RW Xamsa oo xalay la kulmay madaxda Mucaaradka ee la celiyay xerada Xalane

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles