Maxkamad kutaalla Norway oo xabsiga dhigtay laba gabdhood oo Soomaali ah

Maxkamad ku taal dalka Norway ayaa xabsiga dhigtay laba gabdhood oo walaalo ah, kadib markii lagu helay inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish (IS), kaddib markii ay si qarsoodi ah ugu safreen dalka Suuriya iyagoo da’yar ah sannadkii 2013-kii.

Labada gabdhood oo hadda kala jira 27 iyo 31 sano, ayaa lagu helay dambiga ah inay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, oo ah koox argagixiso oo liiska madow kaga jirta dalka Norway iyo waddamada reer galbeedka.

Gabadha weyn ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah, halka walaasheed ka yar lagu riday xukun laba sano ah, oo mid ka mid ah sannadahaas uu yahay mid la hakiyay.

Xukunnadan ayaa waafaqsanaa codsigii xeer-ilaaliyeyaasha.

“Maxkamaddu waxay go’aamisay in si shaki la’aan ah loo caddeeyay in labada eedaysane ay xubno ka ahaayeen kooxda Daacish, si la mid ah intii ay awoodeen haweenka ee looga baahnaa, iyagoo ahaa xaasas iyo hooyooyin guri,” ayay go’aamisay maxkamadda degmada Oslo.

Gabdhahan oo ah muwaadiniin Norwegian ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, ayaa beeniyay dambiyada lagu soo oogay, iyagoo ku adkaystay in lagu qasbay inay ku biiraan kooxda, ayna ku sugnaadaan Suuriya.

Waxay si qarsoodi ah uga baxsadeen Norway dabayaaqadii 2013-kii, iyagoo jira 16 iyo 19, si ay – sida ay markii dambe ku sharraxeen email – uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah nidaamka Bashaar al-Assad.

Markii ay tageen Suuriya, waxay guursadeen dagaalyahannada Daacish. Gabadha ugu weyn ayaa markii dambe dhashay laba gabdhood, halka tan ugu yarna ay dhashay hal gabar.

Maamulka Norway ayaa dib u soo celiyay labada gabdhood bishii Maarso 2023, iyagoo sabab uga dhigay daryeelka carruurtooda oo hooyooyinkood lala geeyay xabsiga Roj oo ay maamulaan Kurdiyiinta, kaasoo loogu talagalay maxaabiista jihaad doonka ah ee ku yaalla waqooyi-bari Suuriya.

Dalka Norway, aqoonsiga eedaysanayaasha inta badan lama shaaciyo illaa xukunku ka xaqiiqoobo iyadoon wax racfaan ah laga qaadan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles