Tuesday, November 11, 2025

Ciidamada Amniga Boosaaso oo qabtay nin ajnabi ah iyo Qaraxyo

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland , ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ku qabtay nin ajnabi ah oo la socday nin kale oo ajnabi ah oo xalay ciidamada Puntland dileen xilli uu miino aasayay.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada amniga Boosaaso ku qabtay nin u dhashay dalka Yemen oo la sheegay in uu qeyb ka ahaa falal amni daro, sidoo kale la socday nin xalay ciidamada amniga toogteen isaga oo miino aasayay.

Ciidamada amniga Boosaaso, ayaa sidoo kale howlgal ay ka sameeyeen guriga uu degnaa ninkii xalay la dilay waxa ay soo heleen qaraxyo miino iyo sidoo kale agabyo kale oo waxyaabaha qarxa laga sameeyo.

Magaalada Boosaaso waxaa maanta ka socda howlgal ka dhan ah ajaaniibta kunool magaaladaasi , kuwaa oo looga shakisan yahay in ay qeyb ka yihiin falalka amnidarro ee kooxda Daacish ka wado magaaladaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Rag ku eedeysan Ninkii lagu gubay Wanlaweyn oo gacanta lagu soo dhigay

Taliyaha ciidanka Dhulka Sareeye Guute Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...

Duqa Muqdisho oo qaabilay taliyaha hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Jen Marco Manzone

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Golaha Shacabka oo ansixiyay qaraar ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda...

Cabdinaasir Saxansaxo oo loo magacaabay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Isbeddel lagu sameeyay qaar ka mida maalmaha fasaxa rasmiga ee Suuriya iyo khilaaf xooggan oo ka taagan

Wareegta cusub ayaa muran iyo khilaaf xooggan ka dhalisay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles