Saturday, April 11, 2026

Ciidamada Amniga oo qaraxyo ku qabtay Muqdisho

Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan hub, hoobiyeyaal iyo walxaha qarxa oo ay maleegayeen kooxaha Khawaarijta si ay amni darro uga abuuraan caasimadda.

Howlgalkan oo dhacay xalay abaaro 23:40 fiidnimo ayaa yimid kadib markii shacabka ku nool Muqdisho ay la wadaageen hay’adaha ammaanka xog muhiim ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Ciidanka Booliiska Soomaaliya, ciidamada ayaa gudaha iyo daafaha degmada Deyniile ka fuliyay howlgal qorsheysan, kaas oo lagu soo qabtay mooto lagu soo raray ilaa shan hoobiye oo si xeeladeysan loogu dhex qariyey jawaano qudaar ah.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Khawaarijtu ay qorsheynayeen in hubkan lagu geliyo gudaha magaalada si ay u qalqal geliyaan amniga isla markaana ay u dhibaateeyaan shacabka rayidka ah.

Dhagarqabihii waday mootada ayaa isku dayay inuu qarxiyo mootada iyo wixii saarnaa markii uu dareemay in la qabanayo, balse ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah uga hortagay falkaas, iyagoo badbaadiyey nafo badan.

Saraakiisha amniga ee Muqdisho ayaa si weyn ugu mahadceliyey shacabka doorka ay ka qaateen sugidda amniga, iyagoo xusay in wada shaqeynta bulshada iyo ciidamada ay tahay furaha guusha laga gaarayo ka hortagga dhagarta Khawaarijta.

WARARKII KALE

DFS oo magacowday Guddiga Farsamada Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ayaa...

Cumar C/Rashiid oo digay halista ka dhalan karta shidaal qodista

RW hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa...

Geelle oo mar 6-aad loo doortay Madaxweynaha Jabuuti

Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha...

Uganda oo weerar afka ah ku qaaday Turkiga, kuna faanay doorkii Uganda ee dagaalladii Muqdisho

Taliyaha Ciidamada dalka Uganda, ahna wiilka Madaxweynaha Yoweri Museveni,...

Wadahadalada Iran iyo Mareykanka oo maanta furmaya

Ra’iisul wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in wadahadallada nabadeed ee...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles